Iyadoo magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubbada hoose uu ka furmay shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ku suganyihiin dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaliya ayaa Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ka faalooda arrimaha siyaasada Soomaaliya waxa uu sheegayaa in ay adag tahay in si sahlan oo ay Madaxda muwaafaqo kuwada yihiin uu ka soo bixi karo shirkaasi .
Waxa uuna u sababeeynayaa dhowr arimood oo ay ugu horeeyso Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaliya oo uu kol hore sheegay.
wuxuuna sheegay Diblamaasigan in shaacintaas ay waqtiga sii dheereyn karto maadama buu yiri Madaxweynaha lagula dagaalamayo awoodiisa taas oo cabsi badan galineysa siyaasiyiinta kale ee xil doonka ah iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo iyagu doonaya in ay ka muuqdaan oo ay door ku lahaadaan awooda Dalka .
Wuxuuna tilmaamay Siyaasiga Caalin in ay u badan tahay shirka Kismaayo mid go,aankiisa dib leysugu soo noqon doono maadaama Muwaafaqta iyo go,aamada ay kala fogyihiin waxayna tahay caqabada ugu weyn laba qodob oo kala ah :- habka awood qeybsiga Beelaha iyo hab Deegaan in wax lagu qeybsado taas oo ay Madaxda isku maan dhaafsan yihiin .
HALKAN KA DHAGEYSO Wareysiga Caalin :-