QM oo gargaar degdeg ah u fidinayso dadka ku dhibaataysan Waqooyiga Somalia

Sanduuqa QM ee Gargaarka Degdegga (The UN Central Emergency Response Fund (CERF) ayaa sheegay inay bixinayaan 11 million oo Dollar si loogu adeegsado Gargaar Aadminimo oo Degdeg ah oo la gaarsiinayo 224,000 oo qof oo ay dhibaatooyin ka soo gaareen Abaaraha xun ee ku dhuftay qeybo ka mid ah Waqooyiga dalka Somalia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Isku-xirka Arrimaha Samafalka (OCHA) ayaa lagu sheegay in kharajkaasi lagu taageerayo xaalladda Naf-badbaadinta ee dadka ku nool Deegaanadda ay Abaaruhu saameeyaan ee Puntland iyo Somaliland.

“Kaalmadada waxay ka koobnaan doontaa Cunto, Gargaarka Nafaqada leh, Tallaalka Xoolaha, Adeegyadda Daryeelka Cafimaadka, Biyaha iyo Faya-dhowrka” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay OCHA.

Sanduuqa Samafalka Somalia (CHF) ayaa la sheegay inay 6.5 million oo Dollar u qoondeeyeen sidii loogu taageeri lahaa dadka ku nool Goballadda ay abaaruhu saameeyeen ee Somalia.

Tan iyo bilowgii sannadkan, 147 million oo Dollar ayey heleen Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia tan iyo bilowgii sannadkan 2016-ka.

Dhinaca kale, Hay’addaha Samafalka ayaa sheegay in Ku-dhawaad 40% dadka Soomaalida u bahaan yihiin Gargaark Aadmnimo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor