Ganacsatada Magalada Boosaaso ee Gobolka Barri ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu mas’uul ka yahay lacago been abuur ah oo lagu sameeyo Magaalada Boosaaso.
C/llahi Jaamac oo kamid ah Ganacsatad Magaladaas ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu ku sheegay in lacagtaas lagu sameeyo Boosaaso uu maamulka doono in lagu isticmaalo deeganada Puntland,Balse lacagta ay tahay mid Feelsa ah.
Waxa uu sheegay in dibadbaxyada ka socda Magaalooyinka Puntland ay salka ku hayaan lacagaha lasoo daabacayo,iyo sicir bararka ay suuqa ka abuurtay.
Ganacsadaha ayaa sheegay in laga diiyay in canshuurta ay ku bixiyaan lacagta kunka shilin,iyaguna ay diideen in lacagtaa ay qaataan,shacabkuna sidaas ay ka cabanayaan.
Halkan ka dhageyso Ganacsade C/llahi Jaamac: