(LA-YAABKA & SAWIRO): Hilibka Eeyda iyo Bisadaha oo si joogto looga cuno Shiinaha.

Dabaal-deg sannadeedka Hilibka Eeyda “The annual dog meat festival” ayaa lagu soo bandhigay Gobalka Guagxi Zhuang ee Koonfurta Shiinaha, iyadoo 10,000 oo eeg iyo bisado lagu gawracay maalmo gudaheeda.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ayaa sheegay in wax laga xumaado gawraca xayawaanaadkaasi.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 300 eey iyo bisado maalin kasta lagu gawraco magaalladda Yulin, iyadoo inta badan xayawaanaadkaasi la qalo yihiin kuwo la soo xaday.

Kooxda u dooda Xuquuqda Xayawaanaadka ee Humane Society International (HSI) ayaa u socdaalay Yulin, oo lagu qabanayey Dabaaldegga Hilibka Lo’da “The dog meat Festival”.

Dr. Peter Li oo ka tirsan Hay’adda HIS ayaa sheegay inuu soo booqday 3 Kawaan oo lagu qalo Eeyda iyo Bisadaha, kuwaasi oo maalin kasta lagu qalo ku-dhawaad 300 oo neef oo Eey iyo Bisado ah.

Inta uu ku jiray booqasho uu isbuucii hore ku tegay magaalladda Yulin waxa uu soo arkay in Hilibka Eeyda si weyn looga isticmaalo Baararka ku yaalla magaalladaasi.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Baararka ayaa u sheegay Hay’adda HIS marka uu u baahdo Eey inuu si fudud ugu yeerayo Ganacsade si dhaqso leh ugu keenayo Eey.

Eey lagu qiyaasay 10 ilaa 20 million oo Eey ayaa la sheegay inay dalka Shiinaha sannadkiiba hilib ahaan looga cuno.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay isticmaalka hilibka Eeyda oo la xaqiijiyey in laga qaado Daacuun-caloolaha iyo cuddurka Raabiyadda.

Daily deaths: This image, showing a woman butchering dogs at a market in Yulin,south China's Guangxi Zhuang Autonomous Region, shows that the slaughter of dogs is not confined to the annual meat festival

Streed food: Traders at Yulin's meat market skins cats by putting their carcasses in a chemical solution

Common food: Some 300 dogs and cats are butchered for meat in Yulin alone every day

Not just for the feast: Animal rights organisation HSI travelled to Yulin ahead of the dog meat festival, and found shocking evidence of daily slaughter - all year around

The animal rights organisation found that many of the dogs and cats kept at the slaughter houses and meat markets wore pet collars - evidence that they could be stolen pets

Heartbreaking: Dogs ready for slaughter are seen peeking out between the bars of their cages

HSI witnessed animals being bludgeoned to death with metal rods in full view of their cage mates

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaskar

©Radio Dalsan