(LA-YAABKA & SAWIRO) Duuliye Diyaarad ay la socdeen 220 qof oo Wadnuhu istaagay.

Duuliye Waliid Bin Maxamed Almoxamed ayaa shalay geeriyooday isagoo duulinayey Diyaarad ay leedahay Shirkadda Saudi Arabian Airlines, oo ay la socdeen in ka badan 220 rakaab.

Duuliyaha waxa uu waday Diyaarad Labada Matoor leh oo uu Duulimaadkeedu ahaa SV 1734, taasi oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Casir ee K/galbeed Sacuudiga, kuna soo wajahnayd Garoonka Caalamiga ee Boqor Khaalid oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

Duuliyaha ayaa fadhiga Duulimaadka ku geeriyooday daqiiqado yar ka hor, markii ay Diyaaradda soo caga-dhigan lahayd, iyadoo Kaaliyaha Duuliyaha la wareegay Hawsha, kuna wargeliyey Waaxda Duulimaadka arrintaasi iyo in la diyaariyo Ambalaas iyo Dhakhaatiir Caafimaad.

Kaaliyaha Duuliyaha oo lagu magacaabo Raami Bin Qaasi ayaa ku guuleystay inuu Diyaaradda si nabad ah ku soo dejiyo Garoonka, iyadoo aysan Rakaabka dareemin xaalladda tiiraanyadda leh ee ka jirtay Hoggaaminta Duulimaadka Diyaaradda.

Agaasimaha Shirkadda Saudi Arabian Airlines, Saalax Bin Naasir aljaasir waxa u uu hambalyeeyey tallaabadda uu Kaaliyaha Duuliyaha kula wareegay Maamulista Diyaaradda.

Hadal ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay inaysan Diyaaradda iyo Rakaabka marnaba khatar lama kulmin inta uu Kaaliyaha la wareegay xilkii Duuliyaha sida kediska ku geeriyoody.

Ugu dambeyn, Shirkadda Saudi Arabian Airlines,waxay Tacsi u direen qoyskii uu ka geeriyooday Duuliyahaasi.

SAUDI ARABIA AIRLINES

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan