(KHAAS): Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD oo markii ugu horreysay Shir ku yeelan doona Puntland.

Idaacadda Radio Dalsan ayaa ogaatay inay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee lixda Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD qorsheynayaan inay Toddobaadka soo socda Shir ku yeeshaan caasimadda Maamul-gobaleedka ee Puntland.

Ilo rasmi oo lagu kalsoonaan karo ayaa Dalsan Radio u xaqiijiyey inay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD Kulankaasi kaga hadli doonaan Arrimaha Somalia, Abaaraha iyo Doorashooyinka Somalia ka dhici doonto dabayaaqadda sannadkan 2016-ka.

Kulankaasi waxaa la qorsheynayaa inay ka soo qeyb galaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda, Sudan, South Sudan iyo Somalia oo martigelinayso.

IGAD STATESMadaxweynaha Dowladda Federalka iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa la filayaa inuu midkooda ka qeyb galo Furitaanka Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Urur-gobaleedka IGAD, waana markii ugu horreysay ee ay Wasiiradda IGAD shir ku yeeshaan mid ka mid ah Maamul-gobaleedyadda Somalia.

Dhinaca kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Maamulka Puntland iska waabiyeen, kana guuleysteen dagaalkii ay la galeen Alshabaabkii bilowgii bishan soo gaaray qeybo ka mid ah Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkii ugu horreeyey ee ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ku yeeshaan Somalia wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo, waxa uu ka dhacay Caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho bishii Janaayo 10-dii ee sannadkan.

Shirkaasi oo ahaa kii 35-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban  25 -qoddob, iyadoo Qoddobka 24-aad lagu muujiyey  in Shirka xiga ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD in lagu qaban doono  Somalia inta lagu guda-jiro sannadkan 2016-ka, waana kan la filayo in Toddobaadka dambe ka furmi doona magaalladda Garowe ee Maamulka Puntland.

©Radio Dalsan