Kenya oo xayiraadda ka qaaday Shaqsiyaad iyo Xawaalado lagu tuhunsanaa inay gacasaar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa soo bandhigay 30 magac oo isugu jira Shaqsiyaad, Shirkado Xawaaladeed, kuwa Gaadiid iyo Hay’addo aan Dowli ahayn (NGO), kuwaasi oo uu sheegay in la xaqiijiyey inaysan wax xiriir ah la lahayn Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay in haatan Liiskaasi laga saaray Xawaaladaha Dahabshiil, Ammaana. Jubba Express, Tawakal, UAE Exchange, City to Xity Services, Sabrin Bus Services iyo E Coach.

 

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinnet ma sheegin in Liiskaasi laga saaray Golaha Jamhuuriga Mombasa (Mombasa Republican Council) iyo Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Haki Africa, Muslims for Human Rights Group, Agency for Peace and Development.

Waxaa weli Liiskaasi laga saarin Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Maxmed Kanu (Gacmo-dheere) oo ay Ammaanka Kenya rumeysan yihiin inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Weerarkii Alshabaab ay bishii April 2-dii ee sannadkan ku qaadeen Jaamacadda Garissa.

Dowladda Kenya ayaa waxay bishii April ee sannadkan soo bandhigtay magacyadda 85 qof iyo Shirkado lala xiriirinayo inay taageeraan Xarakadda Alshabaab, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerar ku qaadeen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148 qof.

Banguga Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa  waxay bishii April ee la soo dhaafay xayiraad saareen 13 Shirkadaha Xawaalaadaha Lacagaha ee ka hawlgala gudaha dalka Kenya, weerarkii Jaamacadda Garissa kadib.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor