(FAALLO): Beesha Caalamka oo Lahjad Diplomaasiyadeed kula hadlay Xidhibaanadda diyaariyey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Xiisad Siyaasadeed ayey abuureen Xildhibaanadda Mooshink-jecelka ee dhawaan shaaciyey Olole ka dhan ah  Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, oo ay ku eedeeyeen qoddobo ay ku sheegeen inuu ku tuntay Dastuurka iyo inuu ku kacay Musuq.

Xildhibaanadda hor-boodayo Mosohinkaasi ayaa ku adkeysanayo inay Xildhibaano kale ku soo biireen, balse, waxay Warbaahinta xaqiijisay inuu nusqaan ku yimid Xildhibaanadaasi.

Xildhibaanadda oo tiradooda hore lagu sheegay 93 Xildhibaan, ayaa waxaa ka baxay Tobaneeyo Xildhibaan, kuwaasi oo rumeysan in la Il-duufsaday ama la adeegsaday magacooda iyo saxiixooda.

Waa Dareen Siyaasadeed oo u baahan in la isku weydiiyo Hadafka Xildhibanaadaasi ku dhaliyey in Xilligan ku dhawaaqaan Mooshin Isbaaro-siyaasadeed xambaarsan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka xumaadeen Qorshahaasi, xilli laga sugayo  Dowladda Federalka inay sii ambaqaadaan Geeddiga Siyaasadda, Horumarka, Nabadda iyo Hiigsiga cusub ee 2016.

Beesha Caalamka ee taageeradda ballaaran ka geysata Dib-u-dhiska Dowladnimo ee Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey Mooshinka Xildhibaanadda, waayna ka digeen inuu khatar ku noqon karo Geeddi-socodka Hawlaha Horumarka Siyaasadda ee Somalia.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Danjirayaasha Khaaska ee QM, IGAD, EU, Maraykanka iyo Britain u jooga dalka Somalia ayaa waxay si cad ugu muujiyeen inay Saaxiibadda Somalia ka walaaceen Mooshinkaasi, maadaama ay Dowladda u harsan yihiin shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Hannaanka Doorashadda ee sanandka soo socda, Samaynta Maamul-gobaleedyadda, Dib-u-eegista Dastuurka ee asaaska u ah xasilinta Maamulka iyo Dowlad-dhisidda.

Danjirayaasha waxay Lahjad Diplomaasiayeed is wadajir ah ugu muujiyeen in loogu baahan yahay in la xushmeeyo Qaraarkii Golaha Ammaanak ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2232 ee lagu faahfaahiyey Rajadda Beesha Caalamka ee Arrimaha Amniga iyo Horumarka Siyaasadda Somalia iyo hannaanka doorashadda ee sannadka soo socda, iyadoo aan Xilli-kordhin loo samayn doonin Dowladda Federalka.

Inkastoo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Somalia u madax bannaan yihiin Hawlahooda, waxaa haddana laga dhadhansan karaa in Dhambaalka Diplomaasiyiinta Beesha Calaamka ee Saaxiibadda Somalia muujinayo inaysan taageersanayn Mooshin kasta oo xilligan ka dhanka ah Madaxda Qaranka iyo Golaayasha Dowladda Federalka.

Xidhibaanadda wada Mooshinkaas kuma faraxsana Dareenka ay Beesha Caalamka ka bixiyeen qorshahooda, waxaana la saadaalinayaa inuu Mooshinka ka dhicioobayo, loona baahan yahay inay Raalli-gelin Caalami ah ka bixiyaan Sal-fudaydkooda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Xildhibaanadda Moshin-jecelka si laab-la-kac ku hindiseen Mooshinka, isla markanaa aysan  haba yaraatee qiimeynin xaalladaha adag ee lagu jiro, Waqtiga  kooban ee u harsan Dowladda  iyo Hawlaha muhiimka ee lagu dhamaystirayo Qorshaha Hiigsiga cusub ee Somalia.

Markaynu doc kasta ka eegno, Xildhibaanadda Mooshin-jecelka waxaa ku gudban Caqabad siyaasadeed, inkastoo ay ku adkeysanayaan inay guuleysan doonaan, wuxuuna hardankooda u muuqdaa  Nin daad qaaday, xumbo cuskay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor