Japan oo Kaalmo Lacageed ugu yaboohday Somalia.

U-qeybsanaha Arrimaha Caalamiga ee Ra’isul-wasaaraha dalka Japan, Mr Kawai Katsuyuki ayaa ku dhawaaqay inay ugu deeqeen Dowladda Federalka Somalia lacag dhan 37 million oo Dollars.

Yaboohaasi ayuu Mas’uulkaasi kaga dhawaaqay mar uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula kulmay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Aebba, kana wada hadleen Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Waddan.

Lacagtaasi ayaa la sheegau in loo adeegsan doono Adeegyadda Aasaasiga, Amniga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somalia.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, Daa’uud Aweys oo aan ka soo xiganay Warkan ayaa sheegay inay Dowladda Japan doonayso inay xiriir dhow oo dhinacyadda Iskaashiga iyo Maalgashiga la yeeshaan Somalia.

©Radio Dalsan