Boqolaal dad Muslimiin ah ayaa shalay ka qayb galay Aaska saddex gabdhood oo Somali ah, kuwaasi oo ay Boliska Kenya dileen bishan September 11-dii, iyagoo ku eedeeyey inay soo weerareen Saldhigga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa ee dalkaasi.
Allaha U Naxariisto Labo ka mid ah Gabdhahaasi oo mataano ah, lagu kala magacaabi jirey Ramla C/raxmaan Xuseen iyo Maymuuna C/raxmaan Xuseen ayaa Waxaa xalay Salaadda Janaasadda lagula tukaday Masjidka Masjidul-Khayraat oo ku yaalla Mombasa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ku leeyihiin magaalldda Mombasa ee Manyimbo cemetery.
Ilo ku dhowdhow Qoyska gabdhahaasi ayaa sheegay in ugu dambeyntii ay Boliska u oggolaadeen inay aasi karaan maydadka gabdhahooda.
Dr. Johansen Odour oo ku takhasusay Cilmiga pathologist ee Baaritaanka Maydadka, kana hawlgala Isbitaalka Guud ee Xeebta “Coast General Hsospital” ayaa sheegay in mid ka mid ah gabdhahaasi uu jirkeeda gubtay, halka midda kale ay ka soo saareen ugu yaraan 4 rasaas oo ku jirtay jirkeeda.
Dr. Johansen Odour waxa uu intaasi ku daray inay Marxuumadda xabbaduhu kaga yaaleen Madaxa, Gacanta iyo Laabta.
Dhinaca kale, waxaa aan weli la aasin Maydka Gabadh kale ee lagu magacaabi jirey Tasniim Yacquub, taasi oo la sheegay inaysan weli qoyskeeda u tegin Boliska Mombasa, si loogu oggolaado in ay aasan gabdhahooda oo lagu tilmaamay inay hoggaaminaysay Gabdhihii weerarka geystay.
©Radio Dalsan