Jaamacadda Carabta iyo Golaha GCC oo cambaareeyey Isqarxintii lala beegsaday Wafdigii Imaaraadka

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Carabi ayaa si kulul u cambaareeyey Weerarkaasi, wuxuuna sheegay inay Jaamacadda Carabta siI wadayaan dadaalkooda ku aadan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladaha Carabta iyo kuwa Beesha Caalamka ka taageeraan Dowladda Federalka Somalia Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta (GCC), C/ladiif  Bin Rashiid Al-zayaani ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii shalay lala beegsaday Kolonyo gelbinaysay Wafdi u dhashay Imaaaraadka.

C/ladiif  Bin Rashiid Al-zayaani waxa uu sheegay in  weerarkaasi lala beegsaday Kolonyo waday Deeq Samafal oo ka timid Safaaradda Imaaraadka, oo kaalin ka qaadanayo Samafalka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta (GCC), waxa uu Tacsi u diray  Dowladda Somalia iyo dhamaan Qoysaska ay dadka uga geeriyoodeen qaraxaasi, wuxuuna u rajeeyey kuwa dhaawacan inuu Rabbi bogsiiyo.

© Warqabadka Radio Dalsan

GCCnabiil