Itoobiya oo Sheegtay Iney Diyaar u Tahay Ciidamo Dheeri oo Ay U Soo Dirto Soomaaliya

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay In imminka ay diyaar u tahay in Ciidamo dheeri ah ay u soo dirto Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

arinkan ayaa yimid kadib kulan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu kula qaatay Magaaladda Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Dhigiisa Dalkasi Hailemariam Deselagn.

Laba Ra’iisul Wasaare ayaa sido kale ka wada hadlay Xiriirka labada Dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa ay si isku mid ah ay shaaca uga qaadeen iney sii kordhin doonan Dadaaladda lagu wiiqayo awooda Xarakadda Al Shabab.