Injineer dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Rag ku hubeesan Bastoolado ayaa maanta degmadda wardhiigleey gaar ahaan Xaalada Calikamiin waxaa ay ku dileen Injineer dhalin yaro ahaa oo lagu magacaabayay Cabdi Barre.

Sababta ka dambeesaa dilka Injineerka lama shaacin.

Ragii dilka geestay ayaa Goobta ka Baxsaday.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano iyada oo ay tiro dad ah kusoo qabqabteen baaritaanadaasi.

Maamulka degmadda Wardhiigleey weli kama uusan hadlin dilka maanta ka dhacay degmadaasi.