Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay golaha amniga gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka shaqeyn doono Amniga Muqdisho.
Waxaana Xubno K Ah:
1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga
2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir
3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka
4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska
5- Taliyaha Nabadsugida
6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka
7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.