Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii uu ku lahaa dowladda Soomaaliya.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu ku sheegay in Warbixin uu soo saaray Bangiga horumarinta Afika uu ku cadeeyay in deynta laga cafiyay Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay tallaabadaas, isla markaana ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay in deynta la cafiyay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiir C/raxmaan Beyle.
Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa.
Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.
Annga oo ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya.
Waxa aan mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika.