Howlgallo Saakay ka socda deegaanka Miidow ee Gobolka Jubbadda Hoose

Waxaa saakay degan xaalada deegaanka Miidow ee Gobolka Jubbadda Hoose halkaas oo sahaly ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland,ila markaana ay kala wareegeen Al-Shabaab oo mudo dhowr Sano ah Gacanta ku hayay.

Deegaanka Miidow, ayaa waxaa Wararka saakay aan ka heleyno wax ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland, balse mararka qaar la maqlayo rasaas Goos Goos ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Miidow,ayaa waxa ay sheegayan in xaafado ka tirsan deeganka Miidow ay howlgallo ka wadaan ciidamada Jubbaland,waxaana meelaha qaar xiran Goobihii Ganacsi.

Sarakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda wxa ay sheegeen in ay siiwadi doonaan howlgalladaas,isla markaana ay ka Go’an tahay in ay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.