Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Maanta waxaa ka socota Munaasabad uu xilka kula wareejiyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe),Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka,Taliyihii Ciidanka Genaraal Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Taliyihii hore ee Ciidanka S/Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa xilka Ku wareejinaya Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo loo magacaabay xilkaas.
Todobaadkii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Generaal Odawaa Yuusuf Raage u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.