Howlgallo Dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay degmada Warta-Nabada

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo baaritaano ah ka qeybo ka mid ah sameeyeen Xaafada Xararyaale ee degmada Warta-Nabada howlgalkaas oo dad dhalinyaro u badan lagu qabqabtay.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay baarrayeen Xaafadaha Xararyaale iyaga oo Guri Guri u galayay sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka oo uu howlgalku saameeyay.

Xaafadaha ku dhow dhow Isgoyska Falorenza ilaa Suuqa Xararyaale yay ciidamadu inta abdan howlgalka ka sameeyeen, waxana dadka deegaanka ay sheegeen in dhalinyaro farabadan lagu qabtay kuwaas oo qaarkood lasiidaayay.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xasilinta Caasimadda waxa ay howlgallo uga sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir kas oo ay ku soo qabteen Hub iyo waxyaabaha Maanka dooriya.

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in inta badan degmooyinka gobolkaan Banaadir laga sameyn doono howlgallo amni xaqiijin ah isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay Ciidamada la Shaqeeyaan.