Diyaarad Khaas oo uu la socday Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un oo ka soo ambabaxday Caasimadda dalkiisa ee Pyongyang ayaa la sheegay inay ka so odegatay Garoonka Calaamiga ee Singapore.
Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa soo werisay inay Diyaarado kale oo Xamuul oo Kim Jong Un ku wehliyey socdaalkii uu dhawaan ku tegay dalka Shiinaha ayaa iyagana la sheegay inay ku soo wajahan yihiin Singapore.
Kim Jong Un waxa uu la socday Diyaaradiisa Khaaska oo nooceedu yahay Ilyushin-62M jet, taasi oo la sheegay inay ku soo hakatay magaallo ku taalla Shiinaha oo ay shidaal ka soo qaadatay, ka hor intaysan u duulin dalka Singapore.
Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waxa la filayaa inuu goor dambe oo maanta ah inuu la kulmo Ra’isul-wasaaraha Singapore, Lee Hsien Loong, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Singapore.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa isagana la filayaa inuu isagana berri la kulmo Ra’isul-wasaaraha Singapore.
Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in Diyaaradda US Force ee ay la socdaan Madaxweyne Trump iyo wafdigiisa la filayo inay goor dambe oo caawa ah ka degto Saldhigga Ciiddanka cirka ee Paya Lebar ee dalka Singapore, ka hor inta uusan Madaxweyne Turump u sii gudbin Hotelka uu degayo ee Shangri-La Hotel.
Wafdiga la socda Madaxweyne Donald Trump waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mike Pompeo, La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton, Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly iyo Xoghayaha Warbaahinta Aqalka Cad, Sarah Sanders.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya ayaa la filayaa inay bishan June 12-da yeeshaan Kulan Xasaasi ah oo laga war dhowrayo Natiijadda ka soo bixi doonta, waana Kulankii ugu horreeyey ee ay Labada Hoggaamiye si toos ah ugu kulmaan.
Qoddobadda ugu culus ee laga yaabo inay labada dhinac isku fahmi waayaan ayaa ah sida laga yeelayo Barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalladda ridada dheer ee Waqooyiga Kuurya, taasi oo ay Maraykanka ka welwelsan yihiin in Mustaqbalka iyaga lala soo beegsado.
Madaxda Shuuciga ee dalka Waqooyiga Kuurya ayaa u muuqda kuwo ka biyo iidsan in Shirka Singapore heshiis looga gaaro Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyagoo ka cabsanaya inuu dalkooda maro Jidkii Kornel Qadaafiga Liibiya uu maray, markii ay Maraykanka kala wareegeen Hubkii Nukliyeerka ee ay Liibiya farsamaysatay.
WQ. Ustaad Nuradin