Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika,ayaa isbedel iyo isku-shaandheyn waxa uu ku sameeyey taliyayaashi saldhigyada Booliska Muqdisho.
Isbedelkaas ayaa waxa uu saameeyey taliyayashii hore halka taliyayaal Cusub lagu soo biiriyey oo ay ka mid tahay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Shangaani.
Raxma Xasan ayaa ka mid noqotay taliyaasha la Magacaabay,waxana aad u soo dhaweyey Bulsahda ku nool degmada Shangaani ee Gobolkan Banaadir.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maalmaahan waday qorsho horumarin iyo dib u dhis loogu sameynayo ciidanka booliska Soomaaliyeed,waxana isla Maanta taliye Cusub loo Magacabay hoggaanka Isgaasriinta Ciidanka Booliska Soomaaliya.