Tartanka Doorashadda ee Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka bilaabanto Hoolka Shirarka ee magaalladda Cadaado.
Musharixiinta ku baratamayso Xilkaasi ayaa waxay maalmihii la soo dhaafaay ku hawlanaayeen Bandhigga Siyaasadooda ku aadan Qorshaha ay ku hagi doonaan Maamulka Galmudug.
9 Musharax oo ay middi haweeney tahay ayaa u taagan doorashadaasi, waxaana la saadaalinayaa inuu loolanku noqon doono mid aad u adag, maadaama ay Musharixiinta ku jiraan kuwa miisaan culus ku leh Masraxa Siyaasadda ee Somalia.
Sharciga Doorashadda ayaa dhigayo in Musharixii keena labo duleel oo saddex (2/3) uu ku guuleysanayo Xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, wuxuuna Sharcigaasi aad ugu muuqdaa mid Musharixiinta ay si aadag ugu kala bixi karaan.
Hadal-haynta ugu ballaaran ayaa waxay muujinaysaa in Musharixiinta kala ah Ambassador Axmed Macallim Fiqi, Ambassador Axmed C/salaam iyo Jeneral Cabdi Qeybdiid yihiin kuwa la saadaalinayo inay isugu soo hari doonaan Wareegga ugu dambeeya, ka hor inta uusan midkooda ku guuleysanin xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.
Wafuud Caalami ah iyo kuwa ka socda Dowladda Federalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan Tartankaasi oo lagu wado inuu saacadaha soo socdo ka furmo magaalladda Cadaado oo iyadu marti-gelisay Dhismaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Doorashadaasi noqon doonto mid ku dhacda si Dimuqraadi ah, iyadoo Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxayna Xildhibaanaddu yihiin kuwo si mas’uuliyad leh codkooda qaab qarsoodi ah u dhiiban doona.
Xildhibaanadda codeynayo ayaa la dhihi karaa waxay si niyad ah u kala taageerayaan Musharixiinta, maadaama uu Xildhibaan kasta la dhacsan yahay mid ka mid ah Hoggaaminta Musharixiinta.
Dadka u dhuun-duleela Doorashadda ka dhacayso Cadaado, ayaa rumeysan in Codeyntu tahay mid culus, lana saadaalin karin Musharax ku guuleysan doonaa, inkastoo Musharaxa noqda Madaxweynaha ay horyaalaan Ajendooyin iyo caqabado fulinteeda aysan sahlanaan doonin.
Balse la arki doonee Musharax nasiibka u hela inuu ku guuleysto codbixinta Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug.