Faah faahin:- Qarax Khasaara Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaara geestay oo ka saakay ka dhacay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarbuunka.

Dhawaqa Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Hodan waxa uuna ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, sida ay inoo xaqiijiyeen ddka degaanka.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta marka falku dhacyay yaa dalsan u sheegay in Qaraxan oo lagu aasay derbiga wado u dhow guri halkaasi ku yaalla isla markaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo marayay wadada, watayna Gaari nuuca raaxada ah.

Illaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay hal arday oo wadada marayay iyo dhaawaca sadex askari oo gaariga saarnaa waxaana durbadiiba gaaray goobta ciidamo ka tirsan laamaha amaanka halkaasna ka sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayaan dhagar qabayaasha soo maleegay qaraxaasi.

Dhanka kale xiriira kala duwan oo aan la sameenay maamulka Degmada Hodan ayaa inoo suura galin in ay ka jawaabaan talefoonadeena.