Faah faahin ka soo  baxeysa dil ka dhacay degmada Dharkenleey ee G/Banaadir

Kooxo hubeysan ayaa xalay qeybo ka mid ah degmada Dharkeenley ee gobolkan Banaadir waxa ay ku dishay nin ka mid ah dadka ku nool Xaafada  Tabakaaya Madoow ee Gudaha degmadaas.

Rag bustoolado ku hubeysn ayaa la sheegay in ninkaas oo Magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Cali ku dileen Xaafada Dabakaayo Madoow iyaga oo intas kadib goobta ka baxsadeen sida ay Radio Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deeganka.

Ninkan ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Iskaashatada Gaadiidka degmadaaas.

Dilka kadib ayaa waxa Goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Dharkenley iyaga oo sameeyay howlgal baaritaano ah balse aan lagu guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Ninkaas.

Intaas kadib xiriir ayaan la sameynay Maamulka degmada Dharkenley si an wax uga ogaano xogo intaas ka badan balse aysan noo suurtagelin.