Ethiopia oo sheegatay inay xukun ku riday rag lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab.

Idaacadda Fana ee jaalka la ah Warbaahinta Dowladda dalkaasi ayaa shalay baahisay in xukun min 6 sanno ah lagu xukumay 2 nin oo lagu soo eedeeyey inay doonayeen inay Ethiopia ka dhidbaan Koox mataano la ah Xarakadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Idaacadda FANA oo ku taalla magaalladda Addis Abeba, waxay magacyadda ragga xukunka lagu riday ku kala sheegtay  Bedris Yuusuf iyo Aanis Osman.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ethiopia ayaa sheegay in raggaasi la xiray 3 sanno ka hor, kadib, markii lagu soo oogay inay weerar ka fulin lahaayeen Ethiopia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xeer-ilaaliyahaasi ma soo bandhigin wax caddaymo buuxa oo la xiriira Eedeymahaasi, iyadoo ragga la xukumay aan loo goolaanin inay qabsadaan Qareeno difaaca.

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ay Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia, inkastoo ay bishii October ee sannadkii hore la baxeen Kumanaan Askari, kadib, markii ay Kacdoon sameeyeen Qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada ee ugu tirada badan dalkaasi.

Waxaana weli dalkaasi  saaran Bandow, iyadoo ay Askartu geysanayaan Tacadiyo, waxaana dadka la iska xirayaa Maxkamad la’aan.

©Radio Dalsan