Eedeysane Soomaali oo weerar ka geystay Kanada oo loo diray Baaritaan dhinaca Dhimirka

Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taalla Gobalka Alberta ee dalkaasi ayaa amartay in Eedeysanaha C/llaahi Xasan Shariif la soo baaro Caqli ahaan. Haddii la soo taagi karo Maxkamadda iyo in kale.

C/llaahi Xasan Shariif oo 30-jir ah waxa uu bishii September 30-dii ee sannadkan uu gaari jiirsiiyey Sarkaal Bolis iyo 4 qof oo rayid ah oo maraysay Waddo ku taalla magaalladadEdmonton ee Gobalka Alberta ee dalakasi.

Qareenka difaacaya Eedeysanaha oo lagu magacaabo Karanpal Aujla ayaa u sheegay Maxkmadda inuu ka walaacsan yahay Caafimaadka Maskaxeed ee Eedeysanaha, wuxuuna Garsoorada ka codsaday inay amarto baaritaankaasi

Muddada kooban ee Dhegeysiga Maxkamadda waxa uu Eedeysanaha ka soo muuqday  Video-ga,Maxkamadda isagoo ku sugan Xarunta dadka lagu hayo ee magaalladda Edmonton.

Eedeysanaha ayaa lagu soo oogay 5 Fal-dembiyeed oo Isku-day Dil ah, kadib, marlii uu Sarkaal Bolis tooreey ku dhaawacay iyo inuu Gaari jiirsiiyey 4 qof oo rayid ah.

Dhinaca kale, Qareen Karanpal Aujla oo Suxufiyiinta kula hadlay dibedda Maxkamadda, waxa uu sheegay inuu ka war dhowri doono Natiijadda Baaritaanka Maskaxeed ee Eedeysanaha, ka hor inta uu Rafcaan ka qaadanin Dhegeysiga Kiiskaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay dib u dhigtay dhegeysiga Dacwadaasi ilaa laga gaarayo bisha December 13-da ee sannadkan 2017-ka.