Dowlado Carbeed oo la saftay Sacuudiga iyo Raashiya oo ku baaqay dhexdhexaadinta Sacuudiga iyo Iiraan

Xiisad Diplomaasiyadeed ayaa ka dhalatay Falkii ay Kooxo Iiraaniyiin ah dhawaan ku gubeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaayeen caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan.

Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday inay Xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen Iiraan, iyadoo Danjirihii iyo Hawlwadeennadda Safaaradda Iiraan ku lahaayeen Sacuudiga loo qabtay inay muddo 48 saacadood ah kaga dhoofaan Sacuudiga.

Muranka labada Dowladood ayaa la rumeysan inuusan ugub ah, balse uu soo taxnaa in muddo ah, wuxuuna si gaar ah u soo shaac baxay Dagaalka ka socda dalka Yemen ee u dhexeeya Isbahaysiga Sacuudiga iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Dagaalkaasi qabow ee u dhexeeyey Iiraan iyo Sacuudiga ayaa gaagaxay, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga xukun dil ah ku fulisay Sheekh Nimir Alnimri, oo isaga lagu helay Falal Argagixiso.

Maalintii Sabtida ayaana Sheekh Nimir iyo 46 Eedeysane lagu fuliyey Dil-wadareed ka dhacay Xabsiyo ku yaalla Sacuudiga.

Muranka Diplomaasiyadeed ee labadaasi Dowladood ayaa horseeday Folkaano Siyaasadeed, iyadoo Dowladaha Baxrayn, Imaaraadka iyo Sudan ku dhaqaaqeen go’aan ay ku taageerayaan Dowladda Sacuudiga.

Dowladaha Baxrayn waxay sheegtay inay Iiraan u jareen Xiriirka Diplomaasiyadeed, iyadoo Dowladda Imaaraadka dabcisay Heerka Xiriirka labada Waddan, waxayna yareysay Tirada Diplomaasiyiinta Iiraan ee joogi doona Imaaraadka.

Dowladda Sudan waxay maanta dalkeeda ka cayrisay Danjirihii Iiraan u joogay Khartoum, iyadoo falkaasi looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sacuudiga ku lahayd Tehraan.

Dhinaca kale, Dowladda Raashiya oo Isbahaysi la ah Dowladda Iiraan ayaa ku baaqday inay dhexdhexaadiso Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA NOVOSTI ayaa ka soo xigatay Diplomaasi codsaday inaan la magacaabin inay Dowladda Raashiya xiriir wanaagsan la leedahay Iiraan iyo Sacuudiga oo ay ka wada tirsan yihiin “Kooxda Vienna” oo ka wada shaqeynayo Xal-u-raadinta Colaadaha Syria.

Wakaalladda ma shaacinin Diplomaasiga Raashiyaanka, mana kala cadda inay Dowladda Raashiya si rasmi ahaan u shaacisay Dhexdhexaadinta Dowladdaha Iiraan iyo Sacuudiga.

Si kastaba ha haatee, ma muuqdaan Ifafaalo muujinaya in si degdeg ah loo xaliyo Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Iiraan iyo Sacuudiga, maadaama ay ku kala aragti duwan yihiin Dhinacyadda Madaahibta, Siyaasadda, Ammaanka Gobalka, Sicir-goynta Shidaalka iyo Aragtiyaha kale.

WQ. Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan