Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay sababta Rasmiga ah ee loo xeray Idaacada Shabeele

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeesa in ciidamada Amaanka ay Markale Hawada ka Saaraan Idaacaha Shabeele iyo Sky Ee Muqdisho.

Afayeenka ayaa shaaciyay in Idaacaha ay baahiyeen Warar ku Aadan Al shabaab Kuwaas oo horay dowladda ay uga soo saartay amaro ku Aadan in Aan la baahin karin Wararka la xeriira Al Shabaab.

Ciidamada Amaanka ayaa Xeray Axmed Cabdi Xasan oo ahaa wariyihii Warka Al shabaab daayay iyo Maxamed Muuse Maxamuud oo ah Agaasimaha Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho.

Idaacaha Shabeele iyo Sky ayaa hawada kusoo laabtay 2-dii bishii Maarso ee sanadkan kadib markii ay xernaayeen Idaacadahaasi kudhawaad Todobo Bilood.