Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, Abdisalan Omar Hadliye ayaa ka ahanqariyey inay aad uga walaacsan yihiin qulqulka Qaxootiga ka soo firxanayo Colaadda dalka Yemen, isla markaana ay ka cabsi qabaan inay Soomaali Xag-jir ah iyo Yemaniyiin ka tirsan Kooxda Daacish ku soo dhex milmaan Qaxootiga ku soo qulqulayo gudaha dalka Somalia.
Wasiirka oo la hadlayey Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay inaysan kala aqoonin dadka Soomaalida ee ka soo laabanaya Yeman, kana welwelsan yihiin Qaxootiga soo laabanayo.
Waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Qaxootiga Yemeniyiinta, maadaama ay Dowladda Yemen horey u marti-gelisay 250-kun oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ku hoos noolaa Daryeelka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR).
“Ma kala garan karno dadka dib u soo labaanayo. Soomaalida xag-jirka noqday waa soo laabanayaan. Yemeniyiinta ay xagirka ka dhigeen Daacish iyo Alqaacida dib wey u soo laaban karaan. Waa arrin u baahan in laga hortago” ayuu yiri Wasiirka oo ka digay inay Xag-jirayaasha ku soo milmayo Qaxootigaasi xagal daacin karaan Horumarka la gaaray.
Dhinaca kale, Wasiir Abdisalan Omar Hadliye waxa uu ugu baaqay Dowladda Maraykanka iyo Dowladaha kale ee taageeradda siiya Hay’adda UNHCR iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) inay Dowladda Somalia ka taageeraan sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga ka soo cararayo colaadda dalka Yemeniyo sidii Qaxootigaasi dib-u-dejin looga samayn lahaa Deegaannadda Xeebta leh, sida dalka Jabuuti.