Dowladda Sacuudiga oo doonaysa inay dalka Pakistan ka soo iibsadaan Hubka Nukliyeerka

Wargeyska “Sunday Times” ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray inay ilo dhinaca Maraykanka u sheegeen inay Dowladda Sacuudiga danaynayaan inay Pakistan ka soo iibsadaan Hubka Nukliyeerka.

Wargeyska waxa uu qoray inay tallaabadaasi timid cabsi la xiriirta inuu bilowday tartan dhinaca hubka ah.

Wargeyska  Sunday Times waxa uu qoray in ay tallaabadani timid iyadoo ay Dowladda Sacuudiga maalgelin badan ka geysatay Barnaamijka Hubka Nukliyeerka ee dalka Pakistan muddo haatan laga joogo 30-sanno.

Qaar ka mid ah Dowladaha Gacanka Carbeed ayaa la sheegay inay ka caroodeen Heshiiskaasi oo la sheegay inuu Madaxweyne Barack Obama taageersan yahay.

Dhinaca kale, Wargeyska Sunday Times waxa uu qoray inay tallabadda Sacuudiga dhabaha u furi doonto Waddamada kale, siiba Masar iyo Turkiga sidii ay ku heli lahaayeen Hubka Nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Tartanka Hubka Nukliyeerka ee dalalka Bariga Dhexe ayaa timid, iyadoo Yuhuudda haysato dhowr madax oo lagu raki karo hubka Nukliyeerka.

 

Source: The Sunday Times