Dowladda Itoobiya oo Xirtay Dad Soomaali iyo Oromo isugu jira

Dowladad Ethiopia ayaa sheegtay in la xiray 103 qof oo lala xiriirinayo Iska-horimaadkii Maamullada Soomalida iyo Oromada ku dhex maray Xuduudka ay Ood-wadaagta ka yihiin.

Wasiirka Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Ethiopia, Negeri Lencho oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in 98 Eedeysanayaal Oromo ah iyo 5 Soomaali ah ku lug lahaa  iska horimaadkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay xaalladda Xuduudka Labadaasi Maamul uu haatan deggan yahay, isla markaana ay Ciiddamo Fedetal ah ku sugan yihiin.

Bishii September ee la soo dhaafay waxa uu dagaal xooggan dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ku nool Bariga dalkaasi, iyadoo dad badan lagu dilay, halka

Kumanaan kalena ku barakaceen.

Labada Maamul waxa ka dhexeeya Khilaaf ku aadan Lahaanshaha Deegaano ku yaallo Xuduudka ay wadaagaan oo dhererkiisu dhan yahay 1,500 KM.