Dowladda Finland oo ka hadashay Muwaadin Somali haysta dhalashadooda oo ku dhaawacmay qarixii Daallo Airlines

Hadal qoraal oo ka soo baxay Dowladda Finland ayaa lagu sheegay in ninkaasi Somali-Finnishka ay dhaawacyo gubasho ah ka soo gaareen qarixii bishan 2-da ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines ee duulimeedkeedu ku wajahnaa dalak Jabuuti.

Afhayeenka Waaxda Taageeradda Qusuliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Finland, Teemu Turunen, ayaa sheegay inuu Muwaadinkooda oo aan magaciisa la shaacinin uu haatan ku jiro mid ka mid ah Isbitaalladda Muqdisho, isla markaana ay xaalladiisu deggan tahay.

“Dhamaan qoyskiisa iyo Dhakhaatiirta ayaa la joogta, waxaana ka fekeraynaa tallaabada labaad ee aynu ku caawin karno” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Finland.

Waxa uu intaasi ku daray in Taakuleyntaasi ninkaasi ay dhankooda kala kulmeen dhibaato, maadaama aysan Dowladda Finland joogitaan Rasmi ah ku lahayn gudaha Somalia.

“Safaaradeenna ku taalla Nairobi ayaa arrinta maarayn doonta” ayuu sii raaciyey Afhayeenkaasi oo ka gaabsaday inu ufaahfaahin dheeraad ah ka bixiyo arrimaha ku saabsan Ninka haysta Dhalashadda Finland ee ku dhaawacmay qarixii Daallo Airlines.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Taageeradda Qusuliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Finland, Teemu Turunen, waxa uu tilmaamay inay Wasaaradda soo saartay Digniin dhinaca Safarka oo dadka haysta Dhalashadda dalkooda looga mamnuucayo inay socdaal ku tagaan Somalia.

Dalka Finland waxaa ku nool Soomaali tiradooda dhan tahay 17,000 oo qof, kuwaasi oo qaab Qaxootinimo ku galay dalkaasi wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo ee Somalia sannadkii 1991-kii.

©Radio Dalsan