Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in saakay Xaafada Haanta-dheer ee degmada deeyniile ee Gobolkan Banaadir ku ku dileen Nin ka mid ahaa dadka ku nool xaafadaas.
Ninka la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Sheekhย Maxamad Cabdi oo loo yaqaanayย (oongooye)sida ay Dalsan u sheegeen dad siweyn u yaqaanay.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ninka lagu dilay xilli uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa,isla markaana dadkii dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.
Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ninkaasi uu macalin ka ahaa Jaamacadda Daaha ee Magalada Muqdisho,waxana Wararka qaar ay sheegayaan in uu la Shaqeynayay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.