Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya.
Koox ku hubeysan Bustoolado ayaa dilay Askariga oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya,waxaana Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cali Maxamed sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dadkii ka dambeeyey dilka Askariga ayaa Goobta ka baxsady,waxana daqiiqado kadib halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Wadajir,iyaga oo halkaasi howlgal ka sameeyay wallow aysan dad ku qaban.
Dhanka kale waxaan xiriir la sameynay Maamulka degmada Wadajir e Gobolkaan Banaadir,si aan wax uga weeydiino dilka iyada oo taleefoonadeena ay ka jawaabi waayeen.