Ispitaal ay ka howlgalayaan Dhaqatiir Jarmal ah oo Muqdisho laga hirgaliyay+Sawiro

Munaasabada furitaanka Ispitaalkaan loogu la magac baxay Somali-jarmal  Medical Center oo maanta ka dhacday Xaruntiisa oo ku taala Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinkatirsan Dowlada Federaalka,Xubno horay xilal kala duwan dalka uga qabtay iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ugu horey waxaa goobta ka hadlay maamulaha guud ee Ipitaalka Ibraahim Cali Xasan wuxuuna sheegay in muhiimadiisa kowaad ay tahay shacabka Somaliyeed ay helaan daryeel Cafimad oo dhameystiran isagoona hoosta ka xariiqay in badi dhaqaatiirtu ay noqon donaan kuwa dalka Jarmarlka laga keenay.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Cafimaadka Cismaan Max’ed Daallo ayaa qudbad uu goobta ka jeediyay ku sheegay in tani ay tahay guul usoo hoyatay umada Somaliyeed Dowlada federaalkuna ay ku faraxsan tahay in dadka wax soo bartay ay dib dalkooda kula soo noqdaan.

R/wasaarihii hore ee Somali Cali Max’ed Geedi oo kamid ahaa musuuliyiintii qudbadaha jeediyay ayaa sheegay in dadka Somaliyeed xiligaan ay kasoo kabsanayaan dhibatooyin badan xaga Cafimaadka ah madaama uu sheegay in dhaqatiirtii dalka dibadiisa u aadi jireen hada Muqdisho loogu soo diyaariyay.

Daawo Sawiradda 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor