Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee EHAHRDP oo Warbixin cusub ka soo saartay Xaalladaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo Somaliland.

Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) oo Warbixin cusub ka soo saarayo Xaalladaha adag ee ay wajahaan  Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka hawlgala Somalia iyo Somalia.

Hay’addaasi oo ay Xarunteeda Dhexe ku taalla caasimadda dalka Uganda ee Kampala, ayaa la filayaa inay Shir Jaraa’id berrito 10-ka Subaxnimo ku qabtaan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, taasi oo ay ku soo bandhigi doonaan Warbixin Muhiim ah oo ay kaga hadlayaan Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo Somaliland.

Warbinta oo cinwaan looga dhigay:-   Between a rock and a hard place oo la micno ah “Inta u dhexeyso Dhagax iyo meel adag” ayaa waxaa lagu lafagurayaa Xaalladda dhabta ah ee Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia iyo Somaliland.

Mashruuca Difaaca Difaacayaasha Bariga iyo Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project) waxa uu baahin doonaa Warbixin cusub  oo lagu muujinayo Geesinimadda  adag ee haatan soo wajahday Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ku sugan Somalia iyo Somaliland.

Warbixintan ayaa waxaa asaas looga dhigay in ka badan 70 Wareysiyo oo la qaaday sannadkii hore ee 2015-kii, oo looga hadlayo Xaalladda Xuquuqda Aadanaha iyo Weeraradda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha kala kulmaan gudaha dalka Somalia iyo Somaliland.

Warbixinta waxaa kaloo lagu soo bandhigay Dukumentiyadda muujinaya xad-gudubka loo geysto Shaqaalaha Warbaahinta ee dhinacyadda Xuquuqda, Ammaanka Qofka iyo Xorriyad aan lahayn xariga iyo Xabsiga.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) waxaa kaloo lagu xusay in Somalia weli tahay mid ka mid ah Dalalka ugu khatarta badan Caalamka ee ay Suxufiyiinta ka hawlgalaan.

Dowladda Federalka Somalia iyo Dowlad-gobaleedyadda waxaa la sheegay inay fududeeyaan in la dhibaateeyo, lana xiro Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, isku-day si ay Xarumaha Warbaahinadda u daabacaan xaalladda Ololaha khatarta ee lagala kulmayo Dowladda.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) waxaa kaloo  lagu sheegay in  Jilayaasha aan Dowladda ka tirsanayn, sida Alshabaab ay cabsi geliyaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay qaadeen tiro dilal ah oo lagu beegsaday Difaacayaashaasi oo iyagu cambaareeya Tacadiyadda baahsan ee ka dhaca guud ahaan dalka Somalia.

Warbixinta cusub ee ay Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika  shaacin doonto berri ayaa lagu muujiyey in Tiro ka mid ah Difaacayaasha cadaawtooyo kala kulmaan xubno ka tirsan Bulshadda oo iyagu ku eedeeya inay baahinayaan Ajendo Reer Galbeed, isla markaana su’aalo ka keena Qiimaha Dhaqanka iyo Diinta.

Bishii January ee sannadka, Somalia waxaa la meel mariyey Sharciga Warbaahinta, iyadoo ay Warbaahino badan ay ka doodeen Mabaadiida muhiimka ee Warbaahinta Madaxa Bannaan.

Sida uu qeexayo Qoddobka 25-aad, Maxkamadaha waxay leeyihiin awoodda ay ku amri karaan in la sheego ilo qarsoon.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) waxay ugu baaqday Dowladda Federalka in la hagaajiyo xaalladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale,  Maamul-gobaleedyadda iyo Daneeyayaasha Caalamka inay hubal ka dhigaan Difaacida iyo inay badbaadiyaan, isla markaana horumariyaan Xuquuqda Difaacayaasha Aadanaha ee ku sugan Somalia iyo Somaliland labadaba.

Xigasho: EHAHRDP

©Radio Dalsan