Shariif Sheikh Axmed oo  ka hadlay siyaasadda dalka, eedna u jeediyay Dowladda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Xaladda Siyaasaded ee dalku hadda marayo, waxaana uu si gaar ah kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Xaaladda Magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa si weyn kaga hadlay arrinta doorashada oo uu sheegay in ay jiraad dib u dhac ka muuqda doorashada, waxaana uu tibaaxay in guddiga doorashooyinka ay yihiin kuwo aan sax ahany, oo sido uu sheegay ka tirsan Dowladda iyo taageerayaasha farmaajo, waxaana uu sheegay in aysan noqon karin Guddi dhex- dhexaad ah, kaasi oo lagu aamini karo doorashada dalka, waxaana uu ku eedeyay dowladda in ay waddo sharci ku tumasho.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed arrintii shalay la sheegay in Dowladdu ay Ciidan dul dhigtay Guryaha Musharixiinta, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid caddeyn u ah cabburin siyaasadeed oo dowladdu ay waddo, waxaana uu dar-daaran u jeediyay Ciidanka Dowladda, isagoo sheegay  in loo baahan yahay in Ciidanka Qaranku aysan Siyaasadda ku milmin, oo aysan Siyaasi gaar ah danihiisa fulin, ayna ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara in loo adeegsado arrimo gaar ah.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in doorashada uu qabto oo waqtigii saxda ahaa lagu qabto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media