DHAGEYSO: Xalane ”Toddobo Qof ayaa ku Geeriyootay Qaraxii ka Dhacay Agagaarka Wasaaradda Aminga”

Afayeenka maamulka gobolka banaadir ayaa xaqiijiyey dhimashada Toddoba ruux oo ku geeriyootay qarax waxyar ka hor ka dhacay meel ku dhow dhismaha wasaaradda Aminga gudaha.

Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen 7 ruux oo ahaa dad shacab ah, kuna sugnaa halka uu qaruxu ka dhacay, islamarkaana dhaawucu uu ka badan yahay intaasi.

Dhinacakale Goob-joogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in gaariga qarxay la dhigay goobta, islamarkaana ruuxii saarnaa uu isaga dagay waxyar ka hor qaraxa inta uusan dhicin.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.