DHAGEYSO: Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Cadaado

Wafdi uu hor kacayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu wadaa saacadaha soo socdo inay gaaraan magaalada Cadaaado xarunta KMG maamulka Galmdug oo ay Berri ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Wasiiro, Xidhibaanada laga soo doortay Galmudug iyo marti sharaf kale ayaa lagu casuumay doorashada madaxweynaha maamulkaas oo ay u taaganyihiin Seddex musharax.

Guddiga doorshada ayaa Radio Dalsan uga waramay qaban qaabada loogu jiro doorshadaasi, waxaana xildhibaan Maxamed Xassan Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada uu sheegay inay gabagabo mareyso howshooda, islamarkaana berri ay dooran doonaan madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.