Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa lagu wadaa in uu shir uga furmo Madaxda Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Shirkan oo ah Kulanka wadatashiga Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa martigelinaya Maamulka Puntland,iyad aoo Guddoomiye uu ka yahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Madaxda Dowlad Goboleedyada,Galmudug,Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed ayaa Goordhow waxa ay tegi doonaan Magalada Garoowe si ay shirka uga qeyb galaan.
Shirka ayaa waxa ay uga hadli doonaan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,waxaana Shirka Garoowe la filayay inuu dhaco 10-ka bishan balsearrimo farsamo uu dib ugu dhacay.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaanan shirkaais ka qyeb galeen,isaga oo horay u sheegay in waxyaabaha ka soo baxa Shirarka Golaha Iskaashiga aysan aheyn kuwa wax ka quseeyaan Hir-Shabeelle.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ayaa weli taagan,iyada oo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland uu dhamaaday waqti xileedkooda,isla markaana doorashooyin ku soo fool leeyihiin.
Qaban qaabada Shrika ayaa haatan waxaa ay ka socotaa Magalada Garoowe,waxaana shirka uu ka dhacayaa Xarunta Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Magalada Garoowe.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlka ay ku shiri doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.