Dhageyso:-Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Saldhiga Bali-Doogle

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya ayaa Maanta markii ugu horeysay waxa uu booqday Xero ay Ciidanka dowladda Federaalka Somaaliya ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Booqashada ayaa waxaa ku wehliyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Somaaliya ee ku sugan Saldhigaas.

Mudane Kheyre,ayaa marka hore dardaaran u jeediyay Ciidamada dowladda waxa uuna sheegay in uu ku dhiiri gelinayo in dalkooda iyo dadkooda ay difaacdaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in booqashadaan tiisa xigta uu Bali-Doogle ku imaan doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)

Gaba gabadii waxa uu Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Xeradaas ku sugan kala hadlay sidii Gobolka Shabeellaha hoose looga bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka