Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka ay u dhinteen dad badan oo jiraan Soomaali.
Waxaa uu sheegay Madaxweye Deni in Cudurka Coronavirus uu yahay khatar dunida ku soo siyaaday, isagoo Carabka ku dhuftay in Puntland ay qaaday talaabooyin looga hortagaayo inuu dalka ku faafo Caabuqaan oo ay u dhinteen in ka badan 13,000 oo Qof.
Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada Puntland ayuu Saciid Deni ugu baaqay inay ka qaataan tallooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo arrimaha Suurta-galka ah ee Puntland sameeyneyso.
“Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.” Ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Si kastaba hadalka Madaxweye Deni ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay karantiishay 5 Ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ajaanib u dhashay dal kale, halka kan kalena uu yahay Soomaali.