Dhageyso: qof rayid ah oo lagu dilay Degmadda Buurhakaba

Dilka ayaa waxaa loo geygstay nin darawal ahaa iyadoona dilkaasi ay geesteen Ciidamadda Amaanka degmadda Buurhakaba sida uu idaacadda Dalsan u sheegay qof kamida dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale rasaasta ciidamadda ku dhaawacmay laba ruux oo goobta ka agdhawaa.

Ilaa iminka Lama oga Sababta ka dambeysa dilkaasi Mana jirto Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dilka ruuxaasi darawalka ahaa.