Tobanaan qof oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Masar

Ugu yaraan 12 qof ayaa maanta ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Gobalka Giza oo dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Wargeyska Alahraam ee ay Dowladda Masar leedahay ayaa qoray inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib, markii ay isku dhaceen 2 gaari nooca Xamuulka.

Shilkaasi ayaa dhacay, kadib, markii Gaari Xamuul oo ay la socdeen 17 shaqaale Wershadeed uu ku dhacay gaari kale.

Shilalka Waddooyinka ee dalka Masar ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo ay 3,087 qof ku geeriyootay, 12,000 oo kalena ku dhaawacmeen shilal sannadkii hore ka dhacay dalkaasi.

Warbixin kale oo ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in shilalkii gaadiidka ee dalka Masar ka dhacay sannadkii hore uu ka dhashay khasaaro dhan 30 Billion oo Geniga Masar, una dhiganta 1.8 Billion oo Dollar

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media