Dhageyso:-Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku doortay jowhar oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii qeybo ka mid ah degmada Waaberi waxa ay ku dileen nin Ganacsado ah oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Suuqa-beerta ee degmada Waaberi,iyadoona dadkii dilay ninkaas ay goobta ka baxsadeen.

Ninka la dilay ayaa dadka ku nool degmada Waaberi gaar ahaan suuqa beerta waxa ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa dadka Sariflayaasha ee ku nool degmadaas laguna magacaabi jiray Sheekh Axmed.

Gudoomiye ku xigenka dahnka amniga iyo siyaasada Maamulka degmada Waaberi Cabdulwahaab Maxamed Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in ragii dilay Ninkaas Odayga ah ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ka maamul ahaan ku ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka Marxuum Axmed Maxamed Aadan.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id