Dhageyso:-Maareeyaha Dekadda Hobyo oo ka hadlay Sactarkii ku quusay Dekaddaas

Maamulka Guud ee Dekadda Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa faah faahin ka bixiyay Sactar ku quusay Xeebaha ku dhow dekadda Hobyo kaas oo siday qalab kala duwan sida la sheegay.

Cabdirisaaq Ducaale (Codweyne) Maareeyaha Dekadda Magaalada Hobyo oo ay Dalsan wax ka weeydiisay quusitaanka Sactarka ayaa waxa uu sheegay in uu jiro Warkaas islamarkaana Sactarkaas uu ka yimid Dekadda Magaalada muqdisho isagoo qalab u waday Dekadda Magaalada Hobyo.

Waxa uu Maareeyaha hadalkiisa intaas ku daray in Sactarka uu Qalab isugu jira Cagafyo iyo Gaadiid u waday Dhismo laga bilaabayo Wadada xiriirisa Magaalooyinka Hobyo  iyo Gaalkacyo ee Gobolka Mudug sida uu hadalka u dhigay.

Faah afahin intaasi ka dheeraad ah kama bixin sababaha keenay in Sactarkaas uu quuso iyo khasaaraha kale ee ka dhaahay marka laga reebo burburka Qalabkii saarnaa.

Hoos Ka Dhageyso codka Maareeyaha.