Deeqo Diraac oo ku dhex Geeriyootay Xabsiga Dhexe ee M/Muqdisho

Deeqo Diraac oo horay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya 20/Apriil 2014,kii ay  ku xukunty 15-sano oo xabsi ciidan ah ayaa ku dhex geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar,ee Magaalada Muqdisho.

 Marxuumada Deeqo ayaa la sheegay in ay u geeriyootay Xanuunka Macaanka ama Sokorta sida uu sheegay taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar islamarkaana  mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasinalal tacaalayay xaaladeeda Caafimaad.

 

Deeqo Diraac iyo 4 rag ah  socday ayaa horay Maxkaamadu ugu riday xukun,iyadoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil 5-tii bishii Apriil 2014,kii  Magaalada Muqdisho loogu geystay Nafisa Cismaan Salaad oo markaas uu dhameysay Mid kamid ah Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.

Taliska Xabsiga dhexe ee Xamar weli wax faah faahin dheeraad ah kama bixin geerida Deeqa,iyo waxa ay ka yeelayaan.

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media