DHAGEYSO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Golaha Amniga Gobolka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay golaha amniga gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka shaqeyn doono Amniga Muqdisho.

Guddiga waxaa guddomiye u ah Taabid Cabdi Maxamed , iyadoo ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga, waxaana xubin ka ah:-

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5- Taliyaha Nabadsugida

6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka banaadir ayaa horey u sheegay inuu la’imaan doono qorshe uu ku xasilinayo amniga magalada Muqdisho, islamarkaana xusay inay ka go’antahay sidiii loogu guuleysan lahaa sugida amniga, taasoo soo dadajisay inuu magacaabo golaha amniga gobolka Banaaadir.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.