Puntland oo soo Bandhigtay Rag loo qabtay dilka Nin Ganacsade ahaa

Taliska Booliska Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso waxa ay kusoo bandhigeen Afar Nin oo lagu eedeeyay dil habeen ka hor Magalada Boosaaso loogu geystay Nin Ganacsade ahaa oo lagu Magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha.

Raggaan lasoo bandhigay oo gaaraya afarta ayaa sidoo kale waxaa Boolisku ay so bandhigeen hub iyo taleefoonada Gacanta oo ay saraakiishu sheegeen inay wateen markii la soo qabanayay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in uu u mahad celinayo Ciidamadii ku guuleystay inay soo qabtaan raggaas,isla markaana cadaalada lahor-geyn doono.

Si kastaba Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa tan iyo markii la dilay maareyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda PO & Ports,Paul Anthony Formosa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka socday howlgallo ay wadan ciidamada Booliska Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor