DHAGEYSO: Caruur ku Geeriyootay Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

Waxaa degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir xalay ku geeriyootay laba caruur ah, kadib saameyn uu ku yeeshay roobka qoysas danyar oo daganaa waaxda Heegan ee degmadaasi, waxaana roobkii xalay saqdii dhex ka da’ay muqdisho ku dhintay laba caruur ah.

Cumar Cali Nuur oo Lix bilood jir ahaa waxaa la sheegay inay biyuhu qaaden, kadib markii uu biyaha uga dhacay hooyadiis oo ula carareysay meel ay uga ganbadaan dhibicda roobka,islamaraakana, xilli danbe laga soo saaray biyaha isagoo meyd ah, Sidookakale Maxamed Abshir Cabdullaahi oo Shan jir ahaa ayaa xalay ku geeriyooday roobka, kaas oo la sheegay inuu ku soo dumay dhismo ay daganaayeen qoyskiisa.

Dadka deegaanka iyo maamulka degmada Yaaqshid ayaa gurmad u sameeyey qoysaskaasi, oo u badnaa kuwo ka soo cararay abaarta ka jirta dalka.

Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa Radio Dalsan uga waramay dhacdadaas, waxaana uu sheegay in dadku ay ubaahanyihii n gurmad, si au u helaan meel ay uga gabaadsadaan roobka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.