Waxaa Goordhow Xarunta Madaxtooyada ka furmay kulan udhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaasi oo ay diiwaangeliyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa shaaciyay inuu furmay kulankii uu Madaxweynaha isugu yeeray Xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka iyo arrimaha siyaasadda dalka haatan uu marayo.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.
Sidoo kale waxaa uu sii raacsiiyay hadalkiisa Cabdinuur “Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka”
Si kastaba kulankan ka socda Madaxtooyada ayaa waxaa qaadacay Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ee Wadajir, isagoona shuruud uga dhigay ka qeyb galka kulanka in dowladda Federaalka ay magdhow ka bixiso dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir sanadkii 2017.